Home Wararka Gudaha R/ Wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay Khilaafka NISA iyo...

R/ Wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay Khilaafka NISA iyo Shirkadda Hormuud

8
0

(Talaado 15-ta January 2024, Muqdisho-xog-ogaal) Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa hadlay khilaafka u dhexeya hey’adda NISA iyo shirkadda Hormuud , war qoraal uy soo saaray Ra’iisal wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa u qornaa sidaan:

Waxaan ka xumahay falalka ay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku ku xirtay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom, waa arrin ugub ku ah Dowladnimada Soomaaliya in ay hay’ad dowli ahi weerar toos ah iyo mid warbaahineed ku qaaddo Shirkad Soomaaliyeed, magaca Dowladdana lagu dhibaateeyo shirkad canshuur-bixiye ah, oo Hay’adda Nabadsugidda iyo dowladdaba waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta amnigeeda.

Waxaan xogogaal u ahay kaalinta hoggaamineed ee Shirkadda Hormuud ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha Dalka, samatabixinta ummadda, iyo dib-u-dhiska Dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, oo aan si dhow uga soo wada shaqeynay muddadii aan ka mid ahaa hoggaanka Dalka.

Hormuud waa shirkad iyo hanti Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Dalka, ayna waajib nagu tahay in aan wada ilaashanno. Dhibaatada soo gaarta Hormuud waxay wax u dhimaysaa dhaqaalaha dalka.  Waxaan sidaas daraadeed ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo furo xarumaha Shirkadda, Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadduna u wada shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda Dalka, oo ay ku dheehan tahay xilkasnimo, hufnaan, daacadnimo, iyo biseyl dowladnimo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.