Sabti 18-da November 2023, (B/weyne-xog-ogaal)Qoyasas badan ayaa weli ku go’doonsan Fataahada Webiga shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Hiiraan, roobabka Cuslaa ee ka da’ay Xaafadaha magaladaas iyo Faraahada Webiga shabeeelle ayaa Qoysas badan oo weli ku go’doonsan Magaalada Baladweyne ayaa waxaa Saameeyn xooggan ku yeelatay Daadadka Roobka iyo Fatahaada.
Sidoo kale Isbitaalka Guud ee Magaalada Baladweyne ayay Fatahaada webiga saameeyn xooggan ay ku yeelatay ka dib markii dhammaan qaybaha kala duwaan isbitaalkaasi ay biyaha galeen ma jirto illaa hadda Cid isku xil saartay una Istaagtay Badbaadinta Qosaskaan ay saameeyeen Fatahaada Webiga shabeelle iyo Roobabka xilliga deyrta kuwaas oo ku xayirmay Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Waxan ay Cod sadeen in deg deg looga saaro xaafadaha ay ku go’doomeen ee Magaalada Baladweyne.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ayaa illaa hadda aan ku guuleysan sidii loo soo babbaadin lahaa Dad badan oo ku xayiran xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Fatahaada ay saameeysay.