Home Wararka Gudaha Qoorqoor Oo Kulamo Ka Wada Guriceel, Baaqna U Diray Ahlu-Sunna

Qoorqoor Oo Kulamo Ka Wada Guriceel, Baaqna U Diray Ahlu-Sunna

144
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magaalada Guriceelee Gobolka Galgaduud waxaa uu ka wadaa Kulamo kala duwan oo uu la leeyhy qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaasi.

Qoorqoor oo dhawaan gaaray magaaladaasi ayaa haatan la sheegy in saacadihii lasoo dhafay uu kulamo xasaasi la qaatay odayaasha dhaqanka degmada iyo waxgaradka guud, waxaana la sheegay in dhammaan kulamadaasi dahaarnaayeen sidii dadka degaanku ay ula shaqayn lahaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Qoorqoor uu ku wargaliyay Odayaasha in loo baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Sidii xoogagga Ahlu-Sunna hubka looga dhigi lahaa, waxaana sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor uu dalbaday in ay dhiibaan Xoogagga Ahlu-Sunna.

a sida wararku sheegayaan dadaalo iyo wadahallo,kuwaasi uu qaybta ugu weyn uu ka leeyhy Qoorqoor, isagoona sidoo kale kulamo gaar gaar ah wada sida wararku tilmaamayaan.

Magaalada Guriceelee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal khasaaro badan dhaliyay oo dhex-maray Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudg oo isku dhinac ah iyo xoogagga Ahlu-sunna,kuwaasi oo ugu dambeyntii laga saaray Magaalada.

Waxaa xigay safar uu madaxweynaha maamulkaasi Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor uu ku tagay Guriceel oo ah magaalo uu si weyn u saameyay dagalkii afarta maalmood qaatay, taasi oo ilaa iyi hadda uu ka wado kulamo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.