Home Wararka Gudaha Qof shacab ah oo ku geeriyooday god dahabka laga qodo oo ku...

Qof shacab ah oo ku geeriyooday god dahabka laga qodo oo ku yaala deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag

105
0

Axad 20-ka November 2022,(Milxo-Xog-ogaal) Waxaa god dahabka laga qado oo kuyaala deegaanka Milxo oo katirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag laga soo saaray maydka nin dhallinyaro ah oo shalay uu la dumay god uu dahab ka baarayay, gurmad socday ku dhawaad 24 saacadoood ayaa lagu guulaystay in isagoo mayd ah laga soo saaro godka. Waxaase xusid mudan in shalay lasoo badbaadiyay nin kale oo godka kula dhacay oo dhaawac uu kasoo gaaray.

Marxuumka oo lagu magacaabo Cabdi yare ayaa in ku dhow 24saac ku gu’doonsanaa god dahabka laga qado, waxaana aad u adkaatay in la gaaro halka uu ku dhacay, inkastoo dadaal xooggan oo aan kala joogsi lahayn ay sameeyeen dadka deegaanka, waa dhacdadii labaad oo wax ka yar labo bil gudaheed ka dhacda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag, halkaas oo caan ku ah godad dahabka laga qado oo dadku ka shaqeystaan.

Dhowr jeer oo ka sii horeysay ayay dadka deegaankaas dhibaatooyin waawayn kasoo gaareen baarista dahabka, welise xal looma helin, dadka deegaankaas oo ah kuwo danyar ah oo xoolo dhaqato u badan, ma heystaan qalab ka caawin kara khatarta ay kala kulmi karaan shaqadan halista badan.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.