Home Wararka Gudaha QM oo baaraysa Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo ku xirtay meel...

QM oo baaraysa Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo ku xirtay meel u dhow aag ay maamulaan Al-Shabaab

128
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Guddiga khubarada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay inay baarayaan markab laga leeyahay dalka Turkiga oo ku soo xirtay meel u dhow aag ay maamulaan Al-Shabaab bishii Ogosto 2021, sida uu sheegay wargeyska Nordic Monitor.

Markabkan oo lagu magacaabo Anatolian oo ay maamusho shirkadda Mavi Deniz  oo ah shirkad fadhigeedu yahay Istanbul ayaa muddo 24 saac ku sugnaa meel wax ka yar meel 1 KM u jirta xeebaha ay maamusho kooxda Al-Shabaab.

Quburada Qaramada Midoobay waxay shaki ka muujiyeen sababta markabkan uu ugu sii dhawaaday deegaanka Al-Shabaab iyo haddii uu sahay ama hub uu u waday kooxda Alshabaab.

Guddiga khubarada ayaa warqad u qoray mulkiilayaasha markabka, waxayna weydiiyeen inay sharraxaad ka bixiyaan sababta uu ugu shiraacday biyaha ku dhow magaalada ay gacanta ku hayso Al shabaab, waxayna ka dalbadeen macluumaad buuxa.

Shirkadda Markabka iska leh iyo dowladda Turkiga kama aysan jawaabin su’aalaha Qaramada Midoobay markii warbixinta loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Oktoobar 6 2021, iyada oo shaxdeeda marineed ay muujinayso inay ka baxday deked ku taal gobolka koonfurta Turkiga ee Antalya.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.