Home Wararka Gudaha Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

155
0

Talaado 2-da August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal)  Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo saakay ka dhacay inta u dhexeeysa isgoyska Tarabuunka iyo wadada ka timaada dhinaca isbitaalka Masaarida, kaas oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.­

Qaraxa oo ahaa miino wadada hareerteeda la dhigay ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Gaari Ciidan balse uu ka badbaaday, hayeeshee waxaa ku dhintay laba Ruux oo Shacab ah, mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo wadada marayay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.