Isniin 6-da June 2022, (Gaarisa-xog-ogaal) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashtay qarax xooggan oo ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari wadanka Kenya, sida wararka soo baxaya ay tilmaamayaan, qaraxa oo ahaa miino ayaa qabsatay mid kamida kolonyo gaadiid ah oo galbineysay xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara, iyaga oo ku sii jeeday degmada Hulugho.
Ilaa 5 askari ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood laga deyrinayo xaaladooda caafimaad, dadka dhaawaca ah waxaa ku jira darawalka waday gaariga qaraxa uu qabsaday ee saarnaayeen ciidanka Kenyam, wafdiga uu hoggaaminayay xildhibaan Ibraahim Cabaas ayaa safarkooda iska sii watay, kadib markii xarumo caafimaad loo qaaday askarta ay waxyeelada gaartay, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada Kenya oo ay ku baadi goobayaan kooxihii qaraxa goobta galisay si talaabo looga qaado.
Saraakiisha Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa weerarkaas ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab, iyada oo weerarkaan uu yahay weerarkii labaad oo muddo laba todobaad gudahood ah ka dhaca duleedka Magaalada Gaaris, xili ciidamo dheeraad ah ay dowladda Kenya halkaasi geysay.