Home Wararka Gudaha Qarax ka dhacay Magaalada Muqdishu iyo qasaaraha ka dhashay

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdishu iyo qasaaraha ka dhashay

128
0

Inta la xaqiijiyay labo qof oo rayida ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax goor dhow ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Garasbaaley.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa la sheegay in uu dhacay ka dib markii uu gudbay gaari ay saarnaayeen ciidanka dowladda, waxaana uu qabsaday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah.

Labada ruux ee qaraxa ku dhimatay ayaa la sheegay in ay kusoo jeedeen degmada Afgooye, waxaana mid ka mid ah uu ahaa macalin.

Ciidanka booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyay  howlgallo, sidoo kalena waxay isbitaal ula carareen dadkii dhaawacmay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.