Home Wararka Gudaha Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

219
0

(Muqdisho-xog-ogaal) Qarax xooggan oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay wadada Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir.
Wararku waxa ay sheegayaan in qaraxan lala eegtay gaadiid ay saarnaayeen qaar kamid ah ergooyinkii ka qeybgalaya doorashada xildhibaanmada gobolada Waqooyi ee haatan ka socota Muqdisho.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, ayaa ka dambeeyay qaraxaan, kaasoo isku qarxiyay goob ay ciidamada ammaanku baaritaan ka wadeen.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa jira, balse weli lama sheegi karo inta uu le’eg yahay.

Qaraxa ayaa dhacay, xili wadada Isgoyska Ceel-gaabta ay xiran tahay, isla markaana loo xiray Doorashada Muqdisho ka socota.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala socda wararkeenna dambe.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.