Home Wararka Gudaha Qarax goordhow ka dhacay Magaalada Jowhar

Qarax goordhow ka dhacay Magaalada Jowhar

151
0

Axad 7-da August 2022, (Jowhar-xog-ogaal) Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle, kaas oo siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar, wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari NOAHA ah oo yaallay halka loo yaqaano todobada Geed oo kasoo horjeeda Hotelka Nuur Doob ee dhawaan qaraxa lagu weeraray, waxaana qaraxa uu dhacay xilli Ciidamada Booliska ay gaariga baarayeen.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxa, waxaana Ciidamada Ammaanka ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay, weli sirasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxana goobta ku sugan oo howlo baaritaano ah ka wada Ciidamada Amniga, kuwaas oo dadka u diidaya inay goobta u dbawaadaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.