Home Wararka Gudaha Qarax ay mas’uuliyiin ku dhaawacmeen oo ka dhacay gobolka Bay iyo faahfaahino...

Qarax ay mas’uuliyiin ku dhaawacmeen oo ka dhacay gobolka Bay iyo faahfaahino ka soo baxaya

160
0

(Baydhabo-Xog-ogaal) Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, saraakiil dhinaca ammaanka ah ayaa sheegay in gaari ay saarnaayeen mas’uuliyiintan lala beegsaday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba oo lagu magacaabo Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Buurhakabo Nuurow Ibraahim & askar.

Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur galbeed ayaa tagay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawaca mas’uuliyiintan oo la sheegay in uu yahay mid fudud, laamaha amniga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay weli si faahfaahsan ugama hadlin qaraxa ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.