Home Wararka Gudaha Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Jowhar

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Jowhar

122
0

Axad 17-da July 2022, (Jowhar-xog-ogaal) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in daqiiqado kooban ka hor uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan, qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan oo jugtiisa laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Jowhar, kaasoo wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu ka dhacay hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo ay dagan yihiin madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Khasaare kala duwan oo dhimasho dhaawacba leh ayaa lasoo warinaya inuu ka dhashay qaraxa, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha iyo qaraxa nooca uu yahay, goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa haatan ka socda gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaan dhacay, waxaana wararka hordhaca ay sheegayaan in xubno ka tirsan wasiiradda Hirshabeelle ay ku waxyeeloobeen.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.