Home Wararka Gudaha Qaramada Midoobay oo beesha caalamka ugu baaqday inaysan marnaba joojin taageeradooda Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo beesha caalamka ugu baaqday inaysan marnaba joojin taageeradooda Soomaaliya

205
0

Axad 3-da April, (Mogadishu-xog-ogaal) Xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ayaa si weyn isha loogu wada hayay todobaadkii la soo dhaafay iyadoo ay booqashadeedii ugu horreysay ku tagtay Khabiir madax-banaan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimahan, isha Dyfan, waxay sheegtay inay kusoo aragtay Soomaaliya horumar iyo caqabado, iyadoo sidoo kale ku baaqday in la kordhiyo taageerada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka inaysan joojin taageeradooda Soomaaliya ,” Khabiirka Madaxa-bannaan ee Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Isha Dyfan, ayaa shir jaraa’id ku sheegtay hadalkan iyada oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay tagto tan iyo bishii May 2020 markii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay u magacaabay jagadaas, si ay ula socoto xaaladda xuquuqal insaanka ee Soomaaliya,waxa ay sidoo kale booqatay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Lafta-gareen’ iyo mas’uuliyiin kale, iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah.

Isha Dyfan, waxay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqday in dumarku qoondadooda ka helaan kuraasta dhiman ee aqalka hoose, waxay sidoo kale ku baaqday in fursad isku mida lasiiyo bulshada iyadoo aan loo eegayn kala duwanaanshahooda.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.