Home Wararka Gudaha Qaramada Midoobay oo baaritaan ku sameysay shirkad laga leeyahay Turkiga oo qalab...

Qaramada Midoobay oo baaritaan ku sameysay shirkad laga leeyahay Turkiga oo qalab milateri soo gaarsiisay Soomaaliya

226
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Shirkad dhinaca badda ah oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga ayaa bishii April 2021 soo gaarsiisay Soomaaliya gaadiid dagaal, iyadoo aan la ogeysiin Qaramada Midoobay waaxdeeda u hoggaansanaanta shuruudaha cunaqabateynta.

Arrintan ayaa keentay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay bilaabaan baaritaanka shixnadaha gaadiidka dagaalka.

Sida laga soo xigtay xog ay heleen khubarada Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya u hoggaansanaanta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, shirkadda Istanbul Lojistik ve Denizcilik Limited Şirketi, ayaa 44 baabuur oo nooca “Kamaz” ah ka dejisay dekedda Muqdisho 30-kii Abriil, 2021.

Guddiga khubarada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u oggolaaday inay kormeeraan u hoggaansanaanta cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay wax war ah ka soo gaadhin shirkadda iyo dawladda Turkiga toona.

Guddidu waxay warqad rasmi ah u direen Istanbul June 8, 2021 iyagoo weydiisanaya macluumaadka ku saabsan gaadiidka milatari  si ay u go’aamiyaan inay u hoggaansamaan shuruudaha cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay.

Iyada oo qayb ka ah waajibaadka ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2551, ee la ansixiyay 2020, khubarada Qaramada Midoobay ayaa dib u eegis ku sameeya hubka la geeyo Soomaaliya, waxayna warbixinno joogto ah u gudbiyaan golaha.

Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qayb kaliya laga qaaday sanadkii 2013-kii, waxaana khubarada Qaramada Midoobay ay la socdaan dhammaan hubka la geeyo Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa dowladda Federaalka iyo sidoo kale kuwa sida qarsoodiga ah ay ku helaan Al-Shabaab.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.