Isniin 4-ta April, (Mogadishu-xog-ogaal) Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ay wali saameyn xun ku hayaan badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, “Haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ka socday sannado badan ayaa wali saameyn xun ku haya badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, waxayna carqaladaynayaan dadaallada horumarineed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Magaalooyinka Dhabad iyo Galdogob oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa kamid ah magaalooyinka ay sida xun u sameeyeen haraadiga Qaraxyada, waxaana dadka halkaas ku nool ay cabsi darteed uga qaxeen guryahooda iyo beerahoodii.
Hay’adda miino barista Qaramada Midoobay UNMAS, ayaa sheegtay inay Soomaaliya ka caawisay sidii loo dhimi lahaa khatarta ka imanaysa walxaha qarxa, sida, gantaalada, rasaasta iyo bambooyinka gacanta.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeyso khubarada ku taqasusay wax ka qabashada miino saarista ee heer qaran iyo heer caalami, si ay uga jawaabaan khataraha soo wajaha bulshooyinka, iyadoo kor loo qaadayo awoodda ay Soomaalidu u leedahay hoggaaminta iyo isku dubaridka jawaabaha wax ka qabashada miinada.