Home Wararka Gudaha Puntland oo soo bandhigtay Gaari qaraxyo siday oo la qabtay

Puntland oo soo bandhigtay Gaari qaraxyo siday oo la qabtay

148
0

Talaado 9-ka August 2022, (Garowe-xog-ogaal) Guddoomiya Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa ka qayb galay kulan Deg Deg ahaa oo lagu soo bandhigayey Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo ku guulaystay soo qabashada Agab ka kooban Walxaha Qarxa iyo gaarigii waday, goobta lagu soo bandhigay Gaariga iyo Agabka qaraxyada ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawiishka Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Galdogob, Saraakiisha CID iyo laamaha Amniga Gobolka Mudug, iyaga oo sheegay in qaraxyadaan la doonayay khalqal gelinta Amniga Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey in gacanta lagu dhigay Agabkan iyo Gaarigii siday oo laga soo qabtay Magaalada Galdogob, isagoona Bulshada la wadaagay in har iyo habeen Laamaha Amniga iyo Masuuliyiinta Gobolka u taaganyihiin la dagaalanka iyo ka hortaga Ururka Al-Shabaab, wuxuu faray dhammaan laamaha amniga Gobolka Mudug inay heevan buuxa galaan, Isla markaana ay ka hortagaan waxkasta oo keeni Kara Amni darro iyo weerarada ay qorsheeyeen Al-Shabaab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.