Home Wararka Gudaha Puntland oo shir ka yeelatay u diyaar garoowga doorashooyinka Golaha Shacabka

Puntland oo shir ka yeelatay u diyaar garoowga doorashooyinka Golaha Shacabka

105
0

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland.

Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, isagoo faray Hay’addaha Xukuumadda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahanyihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.