Home Wararka Gudaha Puntland oo Ra’isul wasaare Rooble ku taageertay go’aanka uu shaqada kaga joojiyay...

Puntland oo Ra’isul wasaare Rooble ku taageertay go’aanka uu shaqada kaga joojiyay Fahad Yaasiin

149
0
Talaado 07 September 2021, (Xog-ogaal) Dowlad goboleedka Puntland ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya ku boggaadisay tallaabadii uu shaqada kaga joojiyay agaasimihii hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin.

Waxay Puntland tallaaabadaas u aragtaa mid kamid ah doorkiisa hoggaamineed ee raysal wasaaruhu ka qaadanayo hoggaaminta amniga Qaranka waqtigan kala guurka ah.

Puntland waxay sidoo kale raysal wasaaraha ku taageertay dedaalka uu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyskeeda ay helaan caddaalad ku filan.

Waa maaamulkii labaad ee taageera shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin, xilli madaxtooyada Soomaaliya ay ka hortimid go’aanka raysal wasaaraha, soona saartay qoraal lagu burinayo go’aankaas.

Arrinta Ikraan Tahliil ayaa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato geeddi socodka doorashada, inkastoo madaxweynaha Soomaaliya uu xalay la kulmay taliye Bashiir Goobe, lamase oga waxa uu kulankooda ku saabsanaa.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.