Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee 48-saac ee lasoo dhaafay siweyn uga da’ayay deegaano ka tirsan maamulkaas.
Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa waxaa uu sheegay in roobabka dabeysha watay ay si xoogan uga da’een Gobolka Gardafuu, isla markaana uu ku geeriyooday hal ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Sidoo kale Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in deegaano badan oo ku teedsan xeebaha uu roobka ka geystay Khasaaro, isla markaana badda ay qaaday doonyo ay isticmaalayeen kulluumeysato, kuwaasi oo bada lagu la’yahay.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayuu sheegay in roobabka ay sameeyeen ku yeesheen qoysay reer miyi ah, kuwaasi oo ku sugnaa degaanka Garmaal oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayna biyaha roobka oo xad-dhaaf ay ka qaadeen qaar kamid ah xoolihii ay lahaayeen.
Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxaa timaamay inay Go’day Isgaarsiintii degmada Eyl, isla markaana halkaas ay ku dhufatay dabeyl xoog leh, taasi oo dumisay guryo badan oo ku yaalla halkaas.
Si kastaba deegaano badan oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa si aad ah uga da’ay roobab dabeylo watay, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay laga digayay.