Home Wararka Gudaha Puntland oo joojisay kulan Wasiirka Dhalinyarada uu Gaalkacyo ku lahaa.

Puntland oo joojisay kulan Wasiirka Dhalinyarada uu Gaalkacyo ku lahaa.

106
0

Arbaco 12-ka October 2022, (Gaalkacyo -xog-ogaal)  Wararka naga soo gaaraua gobolka Mudug ayaa sheegaya in Puntland ay joojisey kulan uu Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre kula lahaa magaalada Gaalkacayo dhallinyarada magaaladaasi, wasiirka oo Talaadadii shakay Gaalkacayo u tegey ka qayb-galka Bandhigga Nabadda ayaa markii danbe dhallinyarada magaaladu, ku booqatay hoy uu ka degey dhinaca Galmudug.

Maamulka Puntland ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah kama bixin amarka joojinta oo la sheegey in uu ka soo baxay madaxtooyada, Mana cadda xilli ay kala boodeen Dowladda iyo maamulka Puntland, wasiirka ayaa intaasi kadib qaatay go’aan ah inuu si gaar gaar ah hoyga uu dagan yahay ugu qaabilo dhalinyarada, isagoo kala hadlay sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen ka shaqeynta isku xirka dhalinta iyo nabad gelyada magaalada oo Koofur iyo Waqooyi u kala qeybsan.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.