Home Wararka Gudaha Puntland & Jubbaland oo ku wareejiyay Guddiga doorashada heer Federaal galka xildhibaanada...

Puntland & Jubbaland oo ku wareejiyay Guddiga doorashada heer Federaal galka xildhibaanada laga soo doortay

25
0

Axad 27-da, Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Puntland ayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal ee (FEIT) ku wareejiyay xogta iyo Warqadaha Foomamka doorashadii ka dhacday Puntland ee lagu soo doortay Xildhibaanada labada Aqal, xubno ka socda Guddiga doorashooyinka Heer federaalka aya Puntland uga mahad celiyay doorashooyinkii ay qabteen iyo sida ay ugu soo gudbiyeen iyo Warqadaha Foomamka, iyaga oo Maamulada kale ugu baaqay inay kusoo wareejiyaan.

Dhinaca kale Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) ayaa maanta xubno kasocday Guddiga FEIT ee heer Federaal ku wareejiyay Faylasha xilibaanada labada Aqal ee 26 ah ee lagu doortay deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland ee Kismaayo maadaama Xildhibaankii 27aad uu dhawaan geeriyooday.

Munaasabada  wareejinta ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno kadocday Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka kuwaas oo dhamaanba goob joog ahaa doorashadii deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland oo lasoo afmeeray 21-March-2022, Puntland ayaa horay u dhameystirtay doorashada kuraasta labada degaan doorasho, hayeeshee Jubbaland ay kaliya qabatay doorashada kuraasta degaan doorashada Koowad ee Kismaayo, waxana u harsan doorashada kuraasta taalla degaan doorashada labaad ee magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here