Home Wararka Gudaha Puntland iyo Somaliland oo ku heshiiyay maxaabiis is-weydaarsi (waqtiga la isweydaarsanayo maxaabiista)

Puntland iyo Somaliland oo ku heshiiyay maxaabiis is-weydaarsi (waqtiga la isweydaarsanayo maxaabiista)

356
0

(Garowe-Xog-ogaal) Puntland iyo Somaliland ayaa saxiixay heshiis kooban oo maxaabiis isweydaarsi ah kaasi oo ay fududaysay hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).

Sida warku sheegayo heshiiskani oo khuseeya maxaabiista lagu kala qabsaday dagaalkii Tukaraq ayey aqbaleen labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland kadib markii ay u kala dab-qaadday hay’adda ICRC.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Puntland iyo Somaliland si rasmiya ugu heshiiyeen in ay maxaabiista dagaalkii Tukaraq is-weydaarsadaan maalinta Isniinta ah ee ku beegan 3 bisha June ee soo socota.

Lama oga tirade dhabta ah ee maxaabiista labada dhinac kala hayaan waxaase ay arrintani ku soo aadeysaa iyada oo dhawaan uu madaxweynaha somaliand Muuse Biixi uu soo jeediyey inay diyaar u yihiin in la isweydaarsado maxaabiista ay kala heystaan iyaga iyo Puntland.

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.