Arbaco 3-da August 2022, (Nariobi-xog-ogaal) Faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxaya laanta dembi baarista dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa shaacisay in howlgal ay fuliyeen cutub ka tirsan ciidanka la dagaalanka dembiyada halista ah ay soo xireen Cabdi Xuseen Axmed oo sidoo kale loo yaqaanno “Abuu Khaadi” oo ay eedaysane ay si weyn u raadineysay dowladda Mareyknaka.
Xariga Cabdi Xuseen Axmed ayaa yimid ku dhawaad labo bilood kaddib markii gacanta lagu dhigay nin kale ay isla shaqysanayeen oo la yiraahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo la qabtay 31-kii bishii May ee sanadkan 2022-ka, xilligaas waxay ahayd hal isbuuc kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay in lacag malaayiin doolar ah lagu abaalmarinayo ciddii soo qabata eedeysaneyaashan.
Ninkan ayaa loo heystaa dembiyo ku saabsan kala gudbinta daroogada iyo xayawaan duur joog ah, sida lagu sheegay bayan kasoo baxay laanta dembi baarista Kenya, Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen madixiisa dul dhigay abaalmarin dhan hal milyan oo doolar oo loo ballanqaaday in la siiyo qofkii keena macluumaad lagu soo qaban karo.