Axad 17-da April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Alle ha u naxariistee Nabadoon Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) ayaa xalay Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay huwiyeen rag bastoolado ku hubeysnaa, raggan ayaa Nabadoonka dhaawac halis ahaa ugu gaystay xaafadda NBC ee Degmada Hodan, iyadoona ay u suurtagashay inay xaafadaasi ka baxsadaan.
Ciidamada Booliska oo markii dambe gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen falka lagu dhibaateeyay marxuumka.
Nabadoon Yuusuf Dhoore oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ayaa muddo dheer ka shaqeynayay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha.
Ma cadda ujeedada ka dambeysa dilkiisa, waxaase soo baxaya warar sheegaya in uu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Ergada dhawaan soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.