Home Wararka Gudaha Nabadoon lagu dhex dilay Masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho iyo warar kala...

Nabadoon lagu dhex dilay Masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

298
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Kooxo hubeysan ayaa nabadoon caanka ahaa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxa ay shalay galab ku dhex dileen masjid ku yaal Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid,kaas oo isla goobtii ku geeriyooday

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cariif Ibraahim, waxaana uu ka mid ahaa waxgaradka sidda si weyn looga yaqaano Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in labo ruux oo hubeysan ay gudaha u galeen masjid ku yaalla xaafadda Juungal kadibna ay rasaas u fureen nabadoon Ibraahim Cariif oo kutub quraan ah akhrisanayay xilligaasi sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii masjidka ku sugnaa iyo ehelka nabdoonka la dilay

Raggii geystey falka dilka ah ayaa goobta ka baxsday waxaana dilka ka dib goobtii soo gaaray ciidamada dowladda soomaaliya kuwaas oo baaritaanno ka sameeyey goobtii dilku ka dhacay iyo xaafadaha u dhow dhow,lamana sheegin wax dad ah o dilkaasi loo soo qabtay ilaa hadda

Wararka qaar ayaa sheegaya in nabadoonka la diley uu ka mid ahaa ergadii ku soo dooratay mudanayaasha baarlamaanka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle,hase ahaatee wiil uu dhalay  ayaa sheegay inaysan jirin sabab loo dilay aabihii.

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.