Home Wararka Gudaha Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay degmada Afgooye iyo faahfaahino ka soo...

Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay degmada Afgooye iyo faahfaahino ka soo baxaya

134
0

Isniin 1-da August 2022, (Afgooye-Xog-ogaal) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil kooxo bastoolado ku hubeysan ay degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose ugu geysteen nin nabadoon ahaa, kaas oo si weyn looga yaaanay magaaladaas, nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Aadan Abshir Maadeey waxa uu dilkiisa ka dhacay nawaaxiga saldhiga booliska Afgooye, waxaana uu ka soo baxay hoygiisa oo aan halkaasi ka fogeyn.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka xilliga la tooganayey uu sugayey mooto qaada, balse waxaa u soo istaagtay mooto ay saarnaayeen labo dhalinyara ah oo hubeysan, iyadoo rasaas ay qeybaha sare ee jirka kala dhaceen, ciidamada amaanka ayaa daqiiqado kadib tagay halka dilka uu ka dhacay, waxayna sameeyeen howlgallo aan wax natiija ah ka dhalan, iyagoo meydka marxuumka ay qaadeen ciidamada booliska.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.