Arbaco 24-ta August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Kooxo hubeysan ayaa Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada muqdisho waxaa ay maanta ku dishay Nin Nabaddoon ahaa oo siweyn looga yaqaanay magaalada, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday, nabaddoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nabaddoon Maxamed Nuur Diiriye ayaa dilkiisa waxaa kasoo baxaya Warar kala duwan, waxaana u tasiyadeeyay Xidhibaano uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoysaska iyo qaraabada ree Diiriye Cali geerida ku timid walaalkeen nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo saakay gacan ka xaq darani ku dishay Xamar. Nabadoonka waxaan ku naqiinay odaynimo iyo xilkasnimo iyo alla ka cabsi. Waxaan ilaah uga baryaynaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, ahalkaba sabar iyo iimaan haka siiyo ayuu yiri” Xildhibaanka.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa tegay ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ehelka Marxuumka, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Nabaddoonka oo la geeyay Xarunta Hay’adda dami baarista ee CID-da, bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhowr jeer magaalada mqudisho ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geysanayay askar, Shacab iyo mas’uuliyiin dowladeeed, waxana dilalka geysanayay Kooxo ku hubeysan Bustooladu ku habeysan.