Home Wararka Gudaha Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

156
0

Isniin 13-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Kooxo hubeysan ayaa Maanta waxaa Xaafada Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday Nabaddoon ahaa oo lagu Magacaabi jiray Nabaddoon Warsame Ismaaciil, kooxaha oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in Nabaddoonka oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn Gurigiisa oo kuyaalla Xaafada Baar Ubax ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirka uga dhufteen kadibna ay goobta ka baxsadeen, wararka la helay ayaa sheegaya in Nabaddoonka Maanta la dilay uu kamid ahaa Odayaashii ka qeyb galay doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan Mahad Salaad oo dhawaan loo Magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA.

Majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda dilka Maanta Magaalada Muqdisho loogu geystay mid kamid ah Nabaddoonada ugu caansan Magaalada, sidoo kale kamid ahaa mas’uuliyiinta xarunta ganacsi ee Som Oil oo xarunteeda ugu weyn ku taalo nawaaxiga isgoyska KM4, hayeeshee dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.