Home Maqaalo MUXUU NAGA MUDANYAHAY CUMAR FAARUUQ CUSMAAN?…

MUXUU NAGA MUDANYAHAY CUMAR FAARUUQ CUSMAAN?…

433
0

Saxaafadda madaxa bannaan ee Soomaalida heerka ay haatan gaarsiisantahay run ahaantii weligeed ma aysan gaarin, waxaana jiray is qabqabsi iyo wax isu quurid la’aan Saxafiyiinta dhexdooda ah iyo didoo kale milkiilayaasha warbaahinta madaxabannaan oo awood saxaafadeed is bidayey, arrintaas oo sabab u noqotay in saxaafadda Soomaalidu xilli hore yeelan weyso urur kulmiya oo u dooda xuquuqdooda, ururkii ugu horeeyay ee saxafiyiinta Soomaalidu dhistaan oo lagu magacaabayey SIJU xaruntiisuna aheyd caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayna ku mideysnaayeen inta badan saxafiyiintii dalka caanka ka aheyd xilligii sagaashameeyadii ayaa waxaa guddoomiye u noqday Saciid Bakar Mukhtaar oo idaacadda BBC-da wakiil uga ahaa Soomaaliya, inkastoo ay jireen saxafiyiin diidanaa ururkaas oo ka shaqeynayey sidii ay u dibin-daabyeyn lahaayeen haddana waxaa la oran karaa wuxuu meel isugu keenay intii badneyd saxafiyiintii Soomaalida aheyd ee ku kala irdheynaysaa gobolada dalka Soomaaliya oo iyagu ku kala tagay colaadihii bilowga ahaa ee markaasi dalka Soomaaliya ka jiray.

Ururkaas oo xubnihiisu ay u badnaayeen qorayaasha Wargeysyada & wariyeyaashii wakaaladaha wararka caalamka u joogay Soomaaliya, maadaama Idaacado madaxbannaan aysan xilligaasi Soomaaliya ka jirin ayaa waxa uu burburay isagoo aan hiigsan hadafkii loo unkay ee ahaa inuu saxaafadda Soomaalida u suurageliyo inuu aqoonsi heer caalami ah helo, isla mnarkaana uu ku xiro saxafiyiinta Soomaalida kuwa beesha caalamka, ururkaas oo anigan qoraha ka ah qormadan xubin ka ahaa ayaa waxaan xusuustaa sababihii uu u burburay oo aheyd is qabqabsi ka dhex oogmay xubnihii sarsare ee ururkaas oo isku qabsaday kaalmadii ugu horeysay ee hay’adaha caawiya saxaafadda caalamka uu siiyo saxaafadda Soomaaliya, loona soo marsiiyey ururkaas, kaalmadaas oo ka koobneyd mashiin daabacaad, matoor iyo Kumbiyuutaro ay xubnihii sarsare ee ururkaas kala boobeen, kadib markii qaabka loo qeybsanayo ay ku heshiin waayeen, sidaasina uu ururkaasi ku burburay, sidoo kale waxaan goobjoog u soo ahaa qaarkoodna aan ka mid ahaa ururo kale oo saxaafadeed oo midkaas gadaashiis la abuuray, kuwaas oo is qabqabsi iyo khilaafaad saxaafadda dhexdeeda ah ay ka socon waayeen, kadib markii hogaaminta iyo madax ka noqoshada ururada saxaafadda la isku maandhaafay, iyadoo khilaafaadka ugu badan uu ka dhex oogmay milkiilayaasha Wargeysyada iyo kuwa Idaacadaha ee madaxabannaan oo Muqdisho ku soo batay iyo saxafiyiinta, waxaana muranku noqday in milkiilayaasha Idaacadaha iyo kuwa Wargeysyada kuwaba kuwa kale xaqiraan, sidoo kale milkiilayaasha warbaahinta madaxabannaan iyo saxafiyiinta warbaahintooda ka shaqeysa ayey isla fahmi waayeen cidda xaqa u leh inay urur saxaafadeed dhisto iyo shaqsiyaadka hogaaminaya, iyadoo saxafiyiinta mihnadda saxaafadda ku shaqeeya ay qabeen kuna mideysnaayeen fikradda ah in milkiilayaasha warbaahintu aysan aheyn saxafiyiin, balse ay yihiin ganacsato qalabka warbaahinta iska leh, halka milkiilayaashuna ay aaminsanaayeen inay iyagu yihiin hormuudkii saxafiyiinta, isla markaana ay iyagu shaqada u abuureen saxafiyiinta oo hay’ad warbaahineed oo ay ka shaqeeyaan ay u keeneen, taasina ay noqotay qorshaha la isku mari waayey, sababna u noqotay in urur saxaafadeed dalka Soomaaliya laga hirgeliyo, walow ay jireen kuwo si hoose inta loo dhistay hay’adaha saxaafadda iyo dalalka daneeya saxaafadda Soomaalida wax looga cunayay.

Khilaafkaas ka dhex bixi waayey bahda saxaafadda Soomaalida oo muddo badan ragaadiyey horumarka saxafiyiinta Soomaalida iyo inay midoobaan, isla markaana ay saxaafadda caalamka wax la qeybsadaan ayaa waxaa mardambe dhismay ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee {SOJON}, kaas oo ay abaabuleen dhalinyaro kooban oo ka shaqeynayey hay’adaha kala duwan ee warbaahinta haba u badnaadeen kuwa ka shaqeynayey web Page-yada, waxaana mardambe ku soo biiray saxafiyiin fara badan oo caan ahaa, ururkaas oo aan ka mid ahaa aas-aasayaashiisa, run ahaantii dedaal badan ayuu sameeyay, wuxuuna dedaalkaas ku muteystay aqoonsi uu ka helay ururada kale ee saxaafadda caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha saxaafadda Soomaaliya, ururkaas oo ahaa urur saxafiyiinta Muqdisho keliya metalayey ayaa markii uu muddo sanado ah jirsaday la talin iyo codsiyo uga yimid saxafiyiinta Soomaalida oo dhan u xuub siibtay urur qaran oo metela saxafiyiinta Soomaalida oo dhan dal iyo dibadba, waxaana magacii ahaa SOJON lagu bedelay magaca NUSOJ ee haatan uu ku shaqeeyo, cid waliba mudnaanteeda lehe xoghayaha guud ee ururka qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur ayaa la oran karaa wuxuu ururkaasi ku laalay hawada sare, wuxuuna saxaafadda Soomaalida gaarsiiyey heerka sareeya ee ay haatan gaarsiisantahay, isagoo saxaafadda kale ee caalamka ku tirtirsiiyey ogaanshaha iyo ka warqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, kana dhaadhiciyey in wax loo qabto saxaafadda Soomaalida, codkiisaas oo saxafiyiinta Soomaalida ay ku heshay qiimeyn iyo tixgelin.

Ururka NUSOJ ee metela Saxaafadda Soomaalida oo dhan ayaa waxaa la oran karaa waa ururkii ugu horeeyay oo aqoonsi caalami ah ka hela ururada waa weyn ee saxaafadda caalamka, isla markaana xubin ka noqda ururka Saxafiyiinta caalamka sida IFJ, ururo kale oo heer caalami ahna lana mataanoobay, iyadoo sidoo kale qaaradda Afrika ururka NUSOJ uu hormuud ka yahay, xoghayaha guud ee ururka qaranka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSUJ Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur ayaa fuulay fikta ugu sareysa ee salaanka madaxtinimada saxaafadda Afrika, isagoo haatan ah xoghayaha Saxafiyiinta dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, sidoo kalena ah madaxweynaha Saxafiyiinta Afrika, isla markaana ku fadhiya kursiga xubinnimada joogtada ah ururka saxafiyiinta caalamka ee IFJ.

Qeyla-dhaanta uu xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ uu caalamka gaarsiiyey ayaa keentay in wax loo qabto saxafiyiin badan oo ku dhibaataysnaa dalka iyo kuwo u cararay dalka dibaddiisa, kuwaas oo dalalka ay tageen ku helay qiimeyn hadday ahaan laheyd nolol, waxbarasho, amni iyo tasiilaadka kale ee ay u baahan yihiin, iyadoo kuwa gudaha dalka joogana loo fidiyo tababaro ay ku qaataan dalka gudihiisa iyo dalalka deriska, sidoo kalena ururka NUSOJ uu u dacwoodo kuwa la xiro, kuwa la jir-dilo, kuwa la handado iyo kuwa ay la soo deristo dhibaato kasta oo howlahooda saxafinimo ku soo gaarta, iyadoo hay’adaha saxaafadda caalamka iyo dalalka daneeya saxaafadda Soomaaliya ay qeyla-dhaamiyaan marka saxafi Soomaaliyeed la waxyeeleeyo, waxaana la oran karaa waxay arrimahaasi yimaadeen wixii ka dambeeyay aas-aaskii SOJON oo haatan NUSOJ loogu yeero, wixii ka horeeyayna ma jirin wax aqoonsan saxaafadda Soomaaliya ah.

Dedaalka iyo waxqabadka NUSOJ intaas keliya kuma koobnee xitaa saxafiyiinta la dilo ayey ehelkooda wax u qabataa sida xaasaskooda iyo waalidiintooda una raadisaa kaalmooyin heer caalami ah iyadoo saxafiyiin badan oo Soomaaliya lagu dilay xaasaskooda iyo waalidiintooda ay heleen yabooh heer caalami ah, waxaana runtii haddii abaal ka dhac la samayneynin intaas iyo in ka badanba lagu helay mahadi haka gaartee ururka qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, gaar ahaan xoghaye Cumar Faaruuq Cusmaan.

Marka aan u soo laabanno ninka xoghayaha guud ka ah ururka NUSOJ ee Cumar Faaruuq Cusmaan guushaas uu saxaafadda Soomaalida u soo hoyey ma aha mid uu isagu si shaqsi ah ku gaaray ee waxaa garab istaagay saxafiyiinta Soomaalida ee u doortay xoghayaha guud ee saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed oo tartan lagula galay jagadaas uu isagu kaalinta koowaad cod la qaaday ku helay, anigoo weliba goobtii lagu dooranayey fadhiyey kana mid ahaa saxafiyiintii doortay, marka waxaan oran karaa ha ogaado Cumar Faaruuq lebinta uu haatan soo hoyey waxa uu u soo hoyey dhammaanba bahda saxaafadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan oo weligeed taariikhda inta la xusuusto aysan gaarin heerkaas, kuwaas oo ah baalasha uu ku duulayo isla markaana ah Salaankii uu ku fuulay fikta sare ee uu haatan gaaray, sidaas darteed waxaa looga baahan yahay inuu dedaalkiisa sii laba-laabo, isla markaana uu la yimaado dulqaad fara badan maadaama ay dhaceyso amaba ay dhacday in la eedeeyo, iyadoo qof waliba oo saxafi ah ama agaasime warbaahineed ah amaba milkiile ah uu doonayo in hay’addiisa warbaahineed si gaar ah wax loogu qabto ama si shaqsi ahba wax loo taro, maadaama uu yahay hoggaankii saxaafadda Soomaaliya, shaqsigii rabitaankiisa ka waayana uu markaasi eedaynayo ama dhaliil u jeedinayo. Ifafaalaha haatan soo baxaya iguna qasbay inaan qalinka u qaato qormadan ayaa ah kadib markii aan arkay eedeymahaas iyo arrimo kale oo saxaafadda Soomaaliya ka soo dhex ifaya.

Run ahaantii waa marag ma doonto in qof kasta oo xil qabtaa eed laga tirsanayo, “Nin xil qaaday eed qaad” waa murti Soomaaliyeed oo jirta, wax lala yaabase ma aha in la eedeeyo qof shaqo u haya dadkiisa xilligan adag, Soomaalida ayeyna caado u tahay is eed-eedka, wax isu quurid la’aanta iyo is-xasadka, taas oo runtii ah midda Soomaalida gaarsiisay dhibaatada aan dhammaadka laheyn ee muddada 30-ka sano ay ku dhex jiraan, ma aha in haddii qof eed laga tirsanayo la yiraahdo halala dagaalamo, hala rido, hala inqilaabo, hala jaa’ifeeyo ama xilka halaga tuuro ee haddiiba ay jirto eed laga tirsanayo waa in la yiraahdo qofkaasi aan saxno, u caqli celino, wax u sheegno, haddii uu markaas uu diido iyadoo loo wada dhan yahay laga tashado sidii laga yeeli lahaa ee ma aha in laga shaqeeyo burburinta howsha baaxadda weyn leh ee uu hayo, waayo Soomaalida oo wax isu quurid la’aantu caado u tahay ayaa dhibaatada Soomaaliya 20-ka sano heysata ay ku timid wax isu quurid la’aan iyo xasadnimo.

Kooxaha Saxaafadda Soomaalida ee xilligan oo iyagu lagu tiriyo inay yihiin indheergaradkii bulshada iyo shucaacii iftiinka u noqon lahaa Soomaalida maanta ee qalad iyo sax wixii jira hogga-tusaalayn lahaa ayaa iyagu haatan u muuqanaya kuwo abuuraya khilaaf, is eedeyn, is beenin, is xasad iyo is dhaliilid aan dhammaad lahayn, marka waxaan aniga ku talin lahaa in wax la toosiyo ee aan wax la burburin. Cumar Faaruuq Cusmaan oo isaguna ah halyey qiimo sare ku dhex leh saxaafadda Soomaalida isla markaasna aan u heyno abaal weyn waxaan isna oran lahaa halagu gacan siiyo howsha uu Saxaafadda u hayo, hana loo taago taalo sharafeed uu ku muteystay dedaalka iyo horumarka uu gaarsiiyey saxaafadda Soomaalida ee xilligan adag shaqeynaysa.

Waxa Qoray: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.