Home Wararka Gudaha Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyoooday Shil gaari dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyoooday Shil gaari dalka Koonfur Afrika

168
0

(Johannesburg-Xog-ogaal) Alle ha u naxariistee waxaa shil gaari ku geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray  Maxamuud Cabdullahi Kulane oo ku magac dheeraa (Madaxeey), gudaha dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday Shil gaari Truck ah oo isaga uu Darawal ka ahaa, kaasi oo ka dhacay Gobolka Mpumalanga ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka oo kamid ahaa Dhallinyarada ugu caansan ee ku nool Johannesburg, ayaa ilaa iyo haatan Boolisku sheegin waxa sababay Shilkaasi balse ay wadaan baaritaano kala duwan.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool degaanka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay inay aad uga naxeen Geerida marxuumka oo siweyn u yaqaanaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad ugu badan shilalka Gaari, waxaana inta badan geli jiray dadka u dhashay dalkaas, iyada oo ay aad u yareyd shilalka ay galaan Soomaalida.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.