Home Wararka Gudaha Muuse Biixi oo u hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Muuse Biixi oo u hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

382
0

Arbaco 18-da May 2022, (Hargeisa-xog-ogaal) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, muuse Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 31 sano guuradii kasoo wareegtay markii Somaliland sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ugu baaqay Soomaaliya in ay ixtiraamto qaddiyada madax-bannaanida Somaliland.

“Madaxweynaha doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isu dhiibay aad iyo aad baan usoo dhaweyneynaa..inaguna in aan kala nabadgalno oo aan isu duceyno baan idiin ka dooneynaa kii hore iyo kan dambaba” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa uu siweyn uga soo horjeeday dowladda uu hoggaamibayay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.