Home Wararka Gudaha Musharraxii labaad oo u tanaasulay hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Musharraxii labaad oo u tanaasulay hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur

194
0

Jimce 13-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Musharrax madaxweyne Cabdinaasir Cabdille Cusmaan, oo kamid ahaa musharraxiinta isku diiwaan galiyay doorashada madaxweynaha, ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu u tanaasulo oo uu taageero musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waa musharraxii labaad oo u tanaasulo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. maalin ka hor ayay ahayd markii Cabdikariin Xuseen Guuleed uu u tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax Madaxweyne  Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay.  Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta,” ayuu yiri Cabdinaasir Cabdille Cusmaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo dhoweeyay tanaasulka musharrax Cabdinaasir Cabdille, wuxuuna ku tilmaamay inay tallaabani ay tahay bog cusub oo u furmay siyaasada Soomaaliya.

Musharraxiinta isku tanaasulay oo isku beel kasoo wada jeeda ayaa doonaya inay sannadkan dhisaan hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo kamid ah siyaasiyiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha.

Hoggaamiyaha Wadajir oo markii Sadaxaad u taagan doorashada madaxweynaha ayaa kamid ah dadka sida weyn u doonaya in meesha laga saaro madaxweye Farmaajo oo uu ku yahay mucaaradka ugu weyn.

Lama saadaalin karo natiijada uu ka heli karo doorashada, iyadoo ay sharraxan yihiin siyaasiyiin kale oo dalka horey usoo hoggaamiyay.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.