Home Wararka Gudaha Musharaxiin badan oo isaga haraya Doorashada Madaxweynaha iyo Sababta keentay

Musharaxiin badan oo isaga haraya Doorashada Madaxweynaha iyo Sababta keentay

168
0

Insiin 9-ka May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Doorashada xilka ugu sareeya Soomaaliya ee Madaxweynaha waxaa isku soo taagay musharaxiin badan oo hami ka galay qabashada xilkan, waxaana shalay bilowday diiwaangelinta musharaxiinta rasmiga ah ee xilkan ku tartami doona, guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay diiwaangeliyay ilaa 10-musharax oo buuxiyay sharuudaha laga rabay musharaxiinta, waxaa sidoo kale maanta la filayaa in musharaxiin kale is diiwaangeliyaan.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkan ka adag kana saameyn badan doorashooyinkii hore, waxaana musharaxiinta ku jira qaar badan oo saameyn leh ay ku jiraan Madax hore dalka xilal kala duwan uga soo qabtay.

Musharaxiinta Madaxweynaha waxaa ugu jiray siyaasiyiin badan oo horey u shaaciyay kuwaa oo hada la filayo in ay tartanka isaga haraan ,kaddib markii ay ku adkaatay buuxinta shuruudaha qaar iyo sidoo kale lacagta badan ee is diiwaangelinta ah ee laga rabo, waxaa sidoo kale jira musharaxiin dhoor ah oo go’aansaday in ay si iskood ah uga haraan tartanka kaddib markii ay ogaadeen in aysan codad ka heleyn doorashada taa badalkeedana ay banaanka ka joogaan.

Qaar kamid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa hamigooda yahay in mansab siyaasadeed kaliya ku helaan is sharixitaankooda, waxa ayna ogyihiin in aysan heleen codadka xildhibaanada ee lagu kala bixi doono, musharaxiinta Madaxweynaha isku soo taagay ayaa ka badan soddomeeyo, waxaana ilaa hada is diiwaangeliyay ilaa 10-musharax, waxaana la ogaan doonaa musharaxiinta rasmiga ha ee is diiwaangelisa iyo kuwa doorashada ka hara saacadaha soo socda.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.