Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Cirro ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid guddoomiyihii gobolka Benadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman (Yariisow) oo maanta ku geeriyooday magaalada Doxa ee dalka Qatar ka dib markii uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta dowlada hoose.
“Waxa aan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timi Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman (Yariisow) oo ahaa Duqii iyo Guddoomiyihii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya” ayuu yiri C/raxmaan Cirro oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Cirro ayaa Illaahay uga baryay marxuumka inuu u naxariisto Qoyskiisii iyo dadka Soomaaliyeed na samir iyo iimaan ka siiyo.
“Walaaltinimada isirka Soomaaliga ah ayaa ka sarreysa siyaasadda iyo waxa inaga dhaxeeya” ayuu qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Cirro.
Somaliland oo 28 sano ka hor sheegata iney ka go’day Soomaaliya balse aan aqoonsi helin ayaan siyaasiyiinteeda looga baran iney ka hadlaan arrimaha khuseeya Koonfurta Somalia iyo dowlada federaalka.