Sabti 25-ta Maarso 2023, (Nariobi-xog-ogaal) Mucaaradka Kenya ayaa wali ku adkaysanaya inay sii wadi doonaan mudaharaadyada ay uga soo horjeedaan dowladda dalkaas ee uu hogaamiyo William Ruto, dhawaan magaalooyinka Waaweyn ee dalka Kenya sigaar ah Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay bannaanbaxyo rabshado watay, kuwaas oo saameyn ku yeeshay Nolosha Dadka.
Taaveerayaasha hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya ayaa ujeedka bannaanbaxooda ku sheegay inay uga soo horjeedaan sicir bararka kajira dalka Kenya, waxaana jira walaac la xiriira in khalalaaso uu galo dalka Kenya.