Home Wararka Gudaha Midowga Yurub oo dalbaday in isbedel lagu sameeyo qaab dhismeedka howlgalka Midowga...

Midowga Yurub oo dalbaday in isbedel lagu sameeyo qaab dhismeedka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

176
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Midowga Yurub oo ah saaxiibka ugu weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa dalbaday in isbedel lagu sameeyo qaab dhismeedka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], iyadoo shuruud looga dhigayo sii wadida maalgelinta howlgallada milateri ee dalka.

Midowga Yurub ayaa hadda sheegay in AMISOM ay tahay in ay xoogga saarto dib u dhiska amni ee Soomaaliya, iyagoo xusay in habkan uu yahay mid lama huraan ah.

Josep Borrell Fontelles, oo ah Ergeyga Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, ayaa u sheegay The EastAfrican, in Midowga Yurub uu isku raacay in loo baahan yahay in howlgalka midowga Afria ee AMISOM uu noqdo mid waxtar leh oo Soomaaliya ka dhaliya nabad waarta.

“Ma doonayno inaan ka tagno Soomaaliya. Ma dooneyno inaan joojino maalgelinta Amisom, laakiin waxaan u baahanahay inaan dib u eegno sida uu shaqeeyo howlgalka” ayuu yiri Josep Borrell Fontelles.

AMISOM ayaa la aas aasay sanadkii 2007-dii si ay gacan uga geysato xakameynta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

Hadda, waxaa socda wadahadallo dib loogu habeynayo howlgalka oo waqtigiisu uu ku eg yahay bisha Maarso, iyadoo Midowga Afrika uu soo jeediyay howlgal wadajir ah oo lala yeesho Qaramada Midoobay.

Durba, warbixinadu waxay muujinayaan in labada dhinacba ay ku heshiiyeen inay iskaashi sameeyaan, isla markaana ay fuliyaan Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya [STP].

Kenya, Uganda, Burundi, Ethiopia, iyo Djibouti ayaa ciidamo ku biiriyay howlgalka Amisom. Dhammaantood way codsadeen in loo beddelo cudud dhinacyo badan leh, inkasta oo ay Soomaaliya horey u diiday. Soomaaliya ayaa sidoo kale diiday fikradda ah in waqtiga AMISOM loo kordhiyo wixii ka dambeeya bisha March.

Bisha Maarso, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro masiirka howlgalka, lagana yaabo inuu u beddelo inuu yeesho waajibaad ballaaran.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.