(Muqdisho-Xog-ogaal) Midowga musharaxii-nta ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inaysan aqbali doonin boobka ku socda doorashooyinka dalka, iyaga oo doora-shada deegaanada qaar ku qeexay isku awood sheegasho aan loo marin’ habraacyadii loo dejiyey doorashada, golaha ayaa qoraalkaan ku xaqiijiyey inay jiraan kulamo u socda, si ay go’aan uga gaaraan waxyaabaha socda, sidoo kale waxay shaaciyeen kulamo ay la yeelan doonaan R/wasaare Rooble, bulshada rayidka iyo beesha caalamka.
“Midowga murashaxiinta wuxuu maalamahan leeyahay kulamo dhexdiisa ah, iyo kuwo uu la yeelanayo Raysalwasaare Rooble, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka golaha, sidoo kale gol-aha ayaa qoraalkaan ku sheegay in xasiloonida dalka ay gud dheer ku sii dhaceyso, markii la eego boobka baahsan ee doorashada lagu hayo, isla markaana aysan aqbali doonin arrintaasi.
“Goluhu wuxuu markale caddaynayaa in uusan aqbali doonin doorashooyinka degaannada qaar ee lagu billaabay boob qaawan oo la isugu awood sheegtay, laguna tuntay dhammaan habraacyadii doorashada, taasoo halis gelina-ysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dawladnim-ada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka midow-ga musharaxiinta, bayaanka golaha waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu sii wadayaa kulamadiisa, wuxuuna ka shaqaynayaa sida ugu haboon oo dalka looga hirgelin lahaa doorasho hufan oo daahfurnaan leh, laguna badbaadiyo masiirka dalka iyo geedi-socodka dhismaha nabada iyo dawladnimada”.