Axad 4-ta September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika danjire, Mousa Faki Mahamat, ayaa soo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxa uuna ergayga cusub bedelayaa Francisco Madeira oo horey Soomaaliya looga eryay, mousa Faki Mahamat, ayaa danjire Mohamed El-Amine Souef usoo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana la filayaa ergaygan in uu yimaado Soomaaliya lana wareego xilkiisa.
Ergaygan cusub ee noqonaya Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo dhashay dalka Kamaros, waxa uuna horey usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Kamaros iyo sidoo kale safiir uu Kamoros uga soo noqday meelo kala duwan.
Xukuumaddii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ergagii midowga Afrika u joogay Soomaaliya Francisco Madeira dalka ka eryay bishii April ee sanadkan, kadib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay falal lidi ku ah Qaranimada dalka.