Sabti 17-da September 2022, (B/weyne-xog-ogaal) Maamulka gobolka Hiiraan sheegay in Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey degaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow degaanka Bukh-aqable ee koonfurta gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buulo-burde, inta la xaqiijiyay 5 qof oo nabadoono u badan ayuu haleelay qaraxaas oo ahaa miino wadada la geliyey.
Waxaa goobta ku geeriyootay 4 qof, halka qofkii kale dhaawac daran goobta looga qaaday.
Dadka ay waxyeelado soo gaartay ayaa kala ahaa.
1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax
2- Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow
3- Nabadoon Mukhtaar Xaaji
4- Iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.