Home Wararka Gudaha Mid ka mid ah Macalin Jamacadaha oo lagu dilay Muqdisho

Mid ka mid ah Macalin Jamacadaha oo lagu dilay Muqdisho

118
0

Talaado 5-ta July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey lagu dilay mid kamid ah Macalimiinta Jaamacadaha kuyaalla Magaalada Muqdisho, iyada oo dadka dilay ay baxsadeen, macalinka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cusmaan Axmed Macow ayaa kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Horseed, waxaana la sheegay in rag Burcad ah oo ka dhacayay taleefoonkiisa ay ku dileen Suuqyaraha degmada Dhsrkeeneey.

Ragga Burcadda ah iyo Macalinka ayaa ka hor dilka la sheegay in uu dhexmaray muran taas oo keenray inay dilaan, iyaga oo ka qaatay taleefoonkiisii iyo Agab kale oo uu watay, qaar kamid ah ehelladiisa ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydka, kaas oo la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da, laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Dharkeenleey ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana uu kusoo beegmay xilli ay muqdisho kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geysanaya.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.