Home Wararka Gudaha Mid ka mid ah Golaha Wasiirada cusub oo diiday Xilkii looga magacaabay

Mid ka mid ah Golaha Wasiirada cusub oo diiday Xilkii looga magacaabay

162
0

Talaado 2-da July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Xubintii ugu horeysay ee ka mida Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ee maanta la magacaabay ayaa ka baxay, iskana diiday xilka loo dhiibay, shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ayuu Maxamed Cabdulqadir oo ku magacaaban Wasiir ku xigeenkii Qorsheynta Soomaaliya oo caddeeyay inuu isu casilay cadaadis uga yimid beeshiisa oo aan u qalmin sida uu sheegay xilka loo magacaabay.

Wasiir xku xigeenkan ayaa ah nin dhalinyaro, wuxuuna kasoo jeeda beesha Carab-saalax Mehri Ismaciil ee Puntland, iyadoo ay isku awood qeybsi yihiin Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin, taasoo keentay in beeshaasi ay wasiir heli weydo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.