Home Wararka Gudaha Meydadka Labo ruux oo la gowracay oo saaka lagu arkay duleedka Magaalada...

Meydadka Labo ruux oo la gowracay oo saaka lagu arkay duleedka Magaalada Marka

259
0

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ka la baxay gurigiisa Nabadoon Cabdullahi Xasan Abuukar oo ku magac dheer (C/llahi dheere ).

Sida wararku sheegyaaan Ciidamada ayaa tagay guriga Ninkan oo ku yaala xaafada Shareeco ee deegaanka Ceelasha Biyaha, iyagoo halkaas ka soo kaxeystay, waxaa la sheegayaa inay la soo aadeen magaalada Muqdisho.

Ehelada C/llaahi Dheere ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay ineysan garaneyn waxa lagu heysto Nabadoonka, iyagoo ka war helay ku dhowaad 4 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo gurigooda lagu hareereeyay iyo Ciidamo xoog ku soo galay guriga xilli dadka ay jiifeen.

C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere), ayaa hore u soo noqday Afhayeenkii Golaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ee la aas aasay xilligii Ciidamadii Itoobiya Muqdisho joogeen.

Ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha aminga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan xariga nabadoonka, waxaana xarigiisa ka dhasay hadal hayn balaaran oo ay isla dhexmarayaan bulshada degan degaanka Ceelasha biyah iyo Magaalada Muqdishu.

 

Meydadka Labo ruux oo la gowracay oo saaka lagu arkay duleedka Magaalada Marka.

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in labo qof oo shacab ah lagu gowracay inta u dhaxeysa Janaale iyo Buufow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka labada qof ee la dilay waxay si qarsoodi ah raashin ku gelinayeen magaalada Marka, iyagoo adeegsanayay gaari gacmeed jiidayay Dibi, maadaama gaadiidka waa weyn la gubayo, hadii wadada lagu arko, iyagoo raashin galinaya magaalada Marka.

Qof kamid ah dadka ku sugan magaalada Marka ayaa soo sheegaya inay saaka arkeen duleedka magaalada meydka labada qof oo la gowracay, kuwaasoo Caan ka ahaa magaalada, waxaana la sheegay in falkan ay geysteen Al-Shabaab.

Meydka labada qof ee la dilay ayaa saaka la qaban qaabinayaa sidii loo aasi lahaa, iyadoo cabsi ay soo wajahday dadka leh Gaari Dameerada iyo kuwa lagu jiido Dibiga ee Raahsinka ku galiya magaalo xeebeeda Marka.

Al-Shabaab ayaa go’doon geliyay magaalada Marka, iyadoo nolosha dadka ay ciriiri ku noqotay, isla markaana qiimaha maciishada ay sare u kacday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here