Home Wararka Gudaha Meydadka 50 Qof oo Tahriibayaal ah oo laga helay dalka Mareykanka.

Meydadka 50 Qof oo Tahriibayaal ah oo laga helay dalka Mareykanka.

140
0

Talaado 28-da June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ugu yaraan 46 qof oo la rumeysan yahay in ay yihiin dad muhaajiriin ah ayaa meydkooda laga dhex helay gaari nooca xamuulka qaada duleedka magaalada San Antonio, ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, sargaal ka tirsan shaqaalaha dab damiska ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah ayaa sidoo kale isbtaalka loola cararay.Dadkii ka badbaaday dhacdadani ayaa waxaa “aad u kululaa jirkooda” waxaana ka muuqtay daal badan.

Barasaabka xisbiga jamhuuriga ee gobolka Texas Greg Abbott ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu mas’uul ka yahay dhimashada, isagoo ku sifeeyay in ay tahay”natiijadii ka dhalatay siyaasaddiisa xuduudda ee dilaaga ah”, cimilada San Antonio waa mid aad u kulul bilaha xagaaga iyadoo heerkulku uu gaaray 39.4C (103F) Isniinta.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.