Home Wararka Gudaha Maxkamadda sare ee dalka oo billowday dhegaysiga dacwadda hakinta kursiga Fahad Yaasiin

Maxkamadda sare ee dalka oo billowday dhegaysiga dacwadda hakinta kursiga Fahad Yaasiin

89
0

Talaado 19-ka April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah hakinta kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, maxkamadda ayaa dhegaysanaysa dacwadda u dhaxeysa qareenka Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Qareenka udoodaya Fahad Yaasiin ayaa maxkamadda usoo gudbiyay codsi ku aadan in la diido go’aanka lagu hakiyay kursiga hop086, wuxuuna sheegay in aanay jirin awood ka sarreysa go’aanka maxkamadda sare ee dalka.

Xafiiska Garyaqaanka guud ee dalka ayaa ku doodaya in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay barlamaankii hore ee Soomaaliya inuu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada islamarkaasna aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada doorashada la xiriira, dhegaysiga dacwadda maxkamadda sare ee kursiga hop086 ayaa kusoo aadaya iyadoo ay billaabatay diiwaan galinta musharraxiinta guddoonka barlamaanka Soomaaliya.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.