Home Wararka Gudaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo bilowday dhageysiga eedo Musuq ee loo heysto 15...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo bilowday dhageysiga eedo Musuq ee loo heysto 15 Mas’uul

34
0

Khamiis 16-da November 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhow bilowday Dacwadda Musuq-maasuqa ee loo haysto masuuliyiin 15 ah, kuwaasoo loo heysto eedo musuq maasuq iyo ku takri fal awoodeed, xubnaha maxkamadeyntooda maanta ay socoto waxaa kakida agaasimayaashii hore ee hay’ada socdaalka iyo jinsiyada Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdul iyo sidoo kale Saabeey oo isna kamid ahaa mas’uuliyiinta dowladda.

Inta badan xubnaha maanta ah maxkamadeyntooda socoto ayaa maqane ah, iyagoo siyaabooyin kala duwan dalka uga tahay, gudoomiyaha maxkamada gobolka Babaadir Saalax Dabbaan oo fadhiga gudoominaya ayaa maxkamada furay, iyadoo xafiisma xeer ilaalinta qaranka xubno ka socday ay soo bandhigeen eedaba loo heyato xubnahan.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.