Home Wararka Gudaha Maxkamadda Garoowe oo saaka u fadhida dacwad ku saabsan dhoofinta Geed-Quwaaxa

Maxkamadda Garoowe oo saaka u fadhida dacwad ku saabsan dhoofinta Geed-Quwaaxa

196
0

Sabti 21-da May 2022, (Garoowe-xog-ogaal)Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka mar kale u fadhida dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa, dhegaysiga dacwadda ayaa socda kadib markii maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran dowladda.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa, mas’uuliyiinta ku lug yeeshay barnaamijkaas waxaa sidoo kale kamid ah kuwa hadda xilal ka haya dowladda oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo laga qaadin.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.