Home Wararka Gudaha Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay

71
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 21aad ee Galmudug ayaa maanta u fariisatey dhageeysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadda loo heysto dable Xoogga, Cabdiraxmaan Cabdulahi Axmed Tooxoow ( Taagane) oo  ka tirsan guutada 18-aad ururka 6-aad ee Gor Gor, kuna eedeeysan dil xerada ciidamda GorGor ee duleedka Dhuusamareeb loogu geystay 16-kii bishii 12-aad ee sanadkii tagey, allaha u naxariistee Marxuum ex-dable xoogga Nuuradiin deeq Maxamed oo isla xeradaasi ka tirsanaa.

Guddoomiyaha  maxamada ciidamada qalabka sida ee Qaybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar xasan ayaa soo xiray gunaanadka garmaqalka dacwada, waxa uu ku dhawaaqey xukunka maxkamada oo go’aamisey in Dable xoogga dalka, Cabdiraxmaan Cabdulahi Maxamed Tooxoow ( Taagane) yahay dambiile geystay dilka, laguna xukumey 15-sano oo xabsi ciidan ah iyo boqol halaad oo ah magta marxuumka uu dilay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 21aad ee Galmudug waxaa la horkeenayay askar ku eedeysan dambiyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here