Kiiska ay murunka ku galisay Badda Soomaaliya dowladda Kenya ayaa soo bilawday sanadkii 2014 xiligaas oo dowlada Soomaaliya ay kiiska dacwada Badda ay geysay Maxkamada ICJ, kaasoo soo jiitamaayay muddo 7 sano ah.
Dowladda Kenya ayaa maalmo ka hor waxay shaacisay ineysan aqbali doonin go’aanka kasoo baxa Maxakamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.
Maxkamadda ICJ waxay shalay si rasmi ah u shaacisay in maanta oo Talaada ah ay go’aan ka gaari doonto Kiiska Badda, isla markaana ku dhawaaqi doono saacadu marka ay tahay 3:00 Galabnimo, waxaana Xarunta Maxkamadda ICJ ee Magaalada Hagea ku sugan Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed.
Masuuliyiinta ka socota dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hagea waxay sheegeen iney rajo aad u wanaagsan ka qabaan in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysan doonto xukunka maanta la sugaayo.