Home Wararka Gudaha Maxdaxweyne xaaf oo Dhuusamareeb kula kulmay wafdi ka socda QM…

Maxdaxweyne xaaf oo Dhuusamareeb kula kulmay wafdi ka socda QM…

177
0

(Dhuusamareeb-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kulan  la yeeshay wafdi ka tiran Qaramada Midoobay oo isugu jira madax iyo farsamo-yaqaano oo maanta gaaray Magalaada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Socdaakooda ayaa la xiriiay sahaminta ah goobta loo diyaarinayo iney dagaan hay’adaha Qaramada Midoobay oo dhawaan si rasmi uga howlgalin doona deegaanada maamulka Galmudug.

Ugu dambeyntii kulanka uu la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf wafdigii ka socday Qaramada Midoobay ee Maanta tegay Magalaada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo dhammaaday si nabad ah,waxaana halkaasi ka soo ambabaxay Wafdigii ka socday QM.

Xog-ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here