Home Wararka Gudaha Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Safiirka Sacuudiga?

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Safiirka Sacuudiga?

37
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad, ayaa ka wada hadlay xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo uu Beesha Caalamka kaga doonayo in loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here